Dhageyso: Amaanka Wadoyinka Muqdisho oo La Kala Qeybsaday.

Afhaayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya C/Kaamil Macalin Shugri oo Maanta Warbaahinta lahadlay ayaa waxaa uu sheegay in Amaanka Magaalada Muqdisho loo kala qeybiyey Ciidanka Pooliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugida.
Waxaa uu sheegay Afhayeenku in Wadooyinka Sodonka, Wadnaha iyo Warshadaha lagu wareejiyey wixii Maanta ka danbeeyey Ciidanka Nabada Sugida kuwaas oo wadooyinkaas ka howlgali doona halka Wadada Maka Al-Mukarama lagy wareejiyey Ciidanka Pooliska isla markaasna lagula Xisaabtami doono si-buuxda wixii ka dhaca wadooyinkaas.
Dhanka kale Afhayeenka Cusub ee Wasaarada Amniga Gudaha waxaa uu sheegay in Hey’adaha iyo Shirkadaha Madaxa banaan ee ka Shaqeeya Muqdisho looga baahan yahay in Ciidankooda ay kasoo diiwaan galiyaan Wasaarada Amniga ee Xukuumada Soomaaliy
Dhawaan ayaa waxaa jirtay in la Sheegay in Amaanka Muqdisho lagu wareejiyey Maamulka Gobolka Banaadir waxaana jiray Maalmahan howlgalo la sheegay in Amaanka Magaalada lagu adkeynayo

Halkaan Ka Dahgeyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.