Degdeg: Baaritaano lagu baadi goobaayo Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxshay oo ka soconaya Magaalada Kismaayo.

War goor dhaw naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa waxa u sheegayaa in ciidanka Amaanka Maamulka Jubbaland ay wadaan howlgal baaxad leh.

Howlgalkaasi waxa uu ka dambeeyey baa la yiri markii laga war helay gaari walxo qarxa ka buuxaan oo la doonayo inuu isku miidaamiyo Xarumaha Maamulka Jubbaland.

Weli Gaarigaasi ayaa ciidanku ay baadi goob ugu jiraan soo qabashadiisa,ciidanka ayaana heegan buuxa la geliyey si looga hortego qaraxaasi la qorsheeyey in Kismaayo laga fuliyo.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa Jubbaland ayaa la sheegay inay howlgalka si wadajir ah uga sameenayaan Xaafdaha Kismaayo islamarkaana laga cabsi qabaa in qaraxaasi uu dhaco.

Wariye kusugan Kismaayo ayaa Gedo Times u sheegay in xaaladu tahay mid cakiran oo dadkuna ay baqdin soo food saartay,kala carar meelaha qaarna ka jiro saameyn xoogana uu ku reebay Howlgalka socda iyo cabsida ka dhalatay gaariga ismiidaamin raba ee xogtiisa la helay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.