Degdeg: Kulamo Fool ka Fool ah oo Dhexmaraya Ergada Beesha Sade iyo Axmed Madoobe oo Kismaayo ka furmaya.

waxaa lagu wadaa in goordhaw magaalada Kismaayo uu ka furmo shirki rasmiga ahaa ee lagu waday inuu dhexmaro ergada beesha Sade ee wadahadalada u qaabilsan iyo Hogaamiye Axmed Madoobe.

Kulankani waxaa goobjoog ka noqon doonaa wasiirka Difaaca janaraal Diini, iyo Xubno matalaya Beesha Caalamka,kuwaas oo marqaati ka noqon doona waxyaabaha laga wada hadlaayo iyo fulintoodaba ayaa lagu wadaa in ay ka furmaan magaalada Kismaayo.

dhinacayada wadahadlaya ayaa dhinackastaa waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay ka dhabeynta waxa laga wada hadlaayo, waxaana jira ajandayaal u qoran dhinacyada beesha Sade Matalaya kuwaas oo aan wali la shaacin.

lama oga dhinaca Hogaamiye Axmed Madoobe waxa u lasoo shirtagi doono inkastoo uu isagu yahay cidda waxa ugu abdan laga tirsanaayo.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.