Daawo: Axmed madoobe iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo dhagax dhigay Goob Waxbarasho oo Muhiim ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dhagax dhigey xarun waxbarasho oo casri ah kaasoo uu maalgelinayo Uruka Midowga Yurub.

Munaasabada dhagax dhigga dugsigan oo laga dhisayo xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socota dowlada Federalka,Ururka Midowga Yurub iyo Maamulka Jubbaland.

Wafdiga ka socday Midowga Yurub oo goobjoog ka ahaa munaasabada dhagax dhigga waxaa hoggaaminayay Michael Cervone oo ah Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya halka dowlada Federalka ay wakiil ka ahaayeen Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Yuusuf Caynte, Wasiirka Waxbarashada, Khadro Bashiir Cali iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Qorsheynta iyo Is-kaashiga Caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Yuusuf Caynte ayaa sheegay in mashruucani yahay mid lagu horumarinayo Waxbarashada Dalka, iyadoo la tayeynayo dugsiyadii hore u jiray, halka dugsiyo cusubna la dhisi doono dhowaan.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Khadro Bashiir Cali ayaa sheegtay in dhismaha dugsigan oo noqon doono mid hoy ah oo ay adaydu ka heli karaan meel ay seexdaan iyo meel ay wax ku bartaan uu yahay mid faa’ido u leh mustaqbalka ardayda ku nool gobolada Jubooyinka iyo dalka oo idil.

Madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo ugu dambeyntii ka hadlay munaasabada dhagax dhigga ayaa u mahadceliyay dowlada Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub hirgelinta xaruntan waxbarasho, waxana uu ka codsaday in la sii wado mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo gobolada Jubbooyinka.

kis1
gedotimes.com

kis2

kis3

kis4

kis5

kis6

kis7

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.