Axmed Madoobe: “Qurba joogta Reer Gedo ayaa Faafiya Warar Been Abuur ah ee Majirto Duqeymaha Kenya Dad Rayid ah Ay Ku Dileen “akhriso”

madoobe

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si cad u dafiray inuu Khasaare ka dhashay Duqeymihii Diyaaradaha Kenya ay ku garaacayeen Aaga Deegaanka Ceel cadde Bishii la soo dhaafay.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay tahay Arin Baro Bogaando ah oo la buun buuniyay in dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay Duqeymaha Diyaaradaha Kenya ay ka geysanayeen Gedo.

“Waa Barobogaando iyo Dacaayad aanan Sal iyo raad laheyn ciidanka Kenya iyaga ayaa meesha lagu laayay, waxaan ogahay shacabka Gobolka Gedo, Dagaalkii Ceelcadde saddex Qof ayaa kaga dhimatay iyo Afar neef oo Xoolo ah, hadii la helo hal qof iyo neef kale oo xoolo ah oo Duqeyntii Ceelcadde ku dhintay, anigaa qaadaya Masuuliyadeed.” Ayuu yiri Axmed Madoobe oo Tv-ga Somali Cable kula hadlay dalka Turkiga.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba, ayaa wuxuu tilmaamay Dadka Qurbajoogta ah ee ka soo jeeda Gobolka Gedo inay warar buun buunin ah ka wadaan dibada, taasi oo uu ku sheegay inay tahay arin xaqiiqda ka fog.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba, wuxuu qeexay Ciidamada Kenya inay dalka Somaliya u joogaan caawimaada Shacabka Somaliyed, loona baahan yahay in lagu taageero dagaalka ay kula jiraan Ururka Al Shabaab.

Wixii ka dambeeyay markii uu dhacay weerarkii 15-kii aan soo dhaafnay Shabaab ay ku qaadeen Saldhigii ciidamada Kenya ee deegaanka Ceelcadde, Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa Duqeyn ku Asqeeyay Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.