TOP News: Wasiir Diini, Xildhibaan Magan iyo Korneyl barre Hiiraale oo Kismaayo ku Wajahan “Akhriso”…….???

Xubno masuuliyiin ah oo hurdhac u ah ka qeybgalka shirka dib u heshiisinta beelaha jubaland ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada kismaayo.

xubnahani oo uu horkacaayo Wasiirka Difaaca Janaraal Cabdulqaadir SHeekh Cali Diini, ayaa waxaa kamid ah laba siyaasi oo ah raga sida weyn u mucaaradsan maamulka jubba kuwaa soo kala ah Xildhibaan Maxamuud cali Magan iyo Wasiirki hore ee Gaashaandhigga Korneyl Barre Hiiraale.

Xubnahani ayaa qorshahoodu yahay qiimeyn ay kusoo sameynayaan, halka iyo goobta uu ka furmaayo shirka iyo cidda damaanad qaadeysa amniga siyaasiyinta mucaaradsan maamulka jubba.

Safaarada itoobiya ee Muqdisho ayaa siyaasiintani ka codsatay in ay shirka kasoo qeyb galaan iyadoo balan qaaday fulinta natiijooyinka shirkaasi kasoo bixi doona, inkastoo masuuliyiintani la sheegay in ay itoobiya u sheegeen in ay aaminsanyihiin in ay dhinaca muxaafidka u janjeerto oo aysan aamini karin.

dhinaca kale itoobiya ayaa shegtay iin laga bilaabo garoonka kismaayo ilaa iyo hoolka shirka iyo waliba hotelada ay masuuliyiintani dagi doonaan in ay amnigooda iyada sugi doonto, tiiyoo shalay ay ka wareegtay amniga garoonka diyaaradaha kismaayo oo afartii sano ee lasoo dhaafay ay maamulayeen ciidanka kenya.

itoobiya ayaa isku dhabar jabineyso sdiii ay u heshiisiin laheyd beelaha sade iyo Absame iyadoo heshiiskani uga dan leh dano dhaqaale iyo mid amni oo ay kaleedahay Gobolada Jubba.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.