TOP: Puntland oo sheegtay in ay ku gorgortameysa aqbalaadda Nidaamka 4.5

gaas

yadoo ay wali ka biyo diidsantahay in awooda baarlamaanka soo socda sanadkaan 2016 ee Soomaaliya lagu soo xulo 4.5 ayey suurtogal tahay in maamulka Puntland uu aqblo, laakin taasi badalkeeda ayaa waxaa ay gali doonaan gor gortan.

Sida ay qortay barta Puntlandi.com, madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in sadex waddo midkood ay qaadi doonaan hadii aanan loo fulin mowqifkooda ah in awooda lagu qeybsado deegaan.

Sadexdaasi dariiq ayaa kala ah sidan, waa midda koowaade, iney gabi ahaanba diidaan qorshaha beesha caalamka iyo dowlada federaalka, wadada labaad ayaa ah inay aqbalaan 4.5 balse ay ku gor gortamaan, iyo qodobka sadexaad oo ah qodob halis ku ah midnimada Soomaaliya uu yahay in Putland ay ka go,do Soomaaliya inteeda kale.

Mar la weeydiyey hadii beesha caalamka ay cadaadis xoog leh ku saarto in maamulkiisu aqbalo wixi kasoo baxay Shirki Madasha Muqdisho, ayuu ku adkeystay in markaasi ay gorgoton ka gali doonaan mowqifkooda.

‘‘Waxaa jirta oraah dhaheysa, haka baqin inaad gorgortan gasho laakin ha u galin baqdin aawadeed’’ ayuu yiri Gaas.
Laakin su,aasha isweydiinta mudan ayaa ah muxuu noqon doonaa gorgortanka ay Puntland u gali doonto in ay ku badalato in ay ogolaato in awoodda baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda lagusoo xulo 4.5.?

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa ka mid ahaa dadki saxiixay warmurtiyeedki kasoo baxay shirki wadatashiga aayaha Soomaaliya ee dhamaadki bishii hore lagu soo gaba gabeeyey magaalada Muqdisho, hase yeeshee marki danbe shir jaraa,id uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in maamulkiisu uusan aqbalin go,aanadi madasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.