TOP News: Al-shabaab oo Madaafiic ku garaacay garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.

kismayo

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay dhowr madaafiic ah ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo shalay gelinkii dambe, sida lagu qoray Baraha Internet-ka ee Shabaabka ay wararka ku faafiyaan.

Shabaab waxa ay sheegeen dhowr madfac inay la eegteen Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo ay sheegeen inay ka duulaan Diyaaradaha Drone-ka ah ee duqeymaha ka geysto meelo ka mid ah dhulka Somaliya.

Dadka degan hareeraha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, ayaa sheegay inay shalay maqlayeen dhowr madfac, laakiin aysan xaqiijin karin inay gudaha ugu dhaceen Garoonka Kismaayo iyo in kale.

Lama xaqiijin karo Madaafiicda Shabaab ay ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo inay gudaha u galeen Garoonka iyo in kale.

Saraakiisha dhinaca ammaanka ee Garoonka Kismaayo oo Warbaahinta ay xiriir la sameysay, ayaa ka jawaabi waaye taleefoonadooda gacanta si wax looga weydiiyo Madaafiicdaasi iyo hadii ay jiraan Khasaare ka dhashay.

Al Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin duleedka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Deeganada Buulo gaduud iyo Yoontoy oo xilli kasta Shabaabka waxaa u fudud inay duqeyn ku garaacaan Garoonka Kismaayo oo ku yaallo meel inyar ka baxsan Magaalada gudaheeda.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helaayo Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid caadi ah Garoonkana shaqadii ka socotay ay tahay mid caadi ah oo aanan dhibaato ka taagneyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.