TOP: Dhismaha Maamul la magac baxay Galgaduud Sare oo ka bilowday Degmoyinka Cabudwaaq iyo balambale.

Degmadda Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud waxaa ka soconaya Dhismaha Maamul lamagac baxay Maamulka Galgaduud Sare Si Toos Ah ayuuna u bilowday dhismaha maamulkaasi sida uu meel fagaare ah ka sheegay Ugaas Beesha sade Bari Ugaas Axmed barre Cali Taakooy.

Aqoonyahannadda Iyo Wax garabka u istaagay Dhismaha Maamulka Galgaduud Sare Ayaa sheegay inay Ka Arrinsanayaan Sidii Ay Maamul Iyaga Matala U Dhisan Lahayeen Maadaama Maamulka Galmudug Uusan Wali Wax Waxqabad Ah La Imaan.

Arrintan Ayaa Imaanaysa Xilli Madaxda Maamulka Galmudug Hawlahoodii Shaqo Ku Soo Koobeen Magaalooyinka Cadaado Iyo Tuulooyinka Hoos Yimaada.

Ugu dambeyntii Warbaahinta Gedo Times Waxay idin balan qaadaysaa inay idiin soo gudbiso arrimaha maamul u sameynta Galgaduud Sare, idinkana ha qabtirto Xog kastaa oo ku saabsan dhismaha Mamaulkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.