Maqaal: Yaa kenya u soo yeeriyey Hadalka ah Beesha SADE ayaa Gedo nagu Xasuuqday.

Iyadoo uu jiro hadal dhawan kasoo yeeray Saraakiil kenyan ah oo nuxurkiisu ahaa in Beesha Sade ee degta gobolka labaad ee ugu weyn soomaaliya, ay alshabaab ku garabsiiyaan ladagaalankooda iyo xasuuq ciidankoooda laba usbuuc kahor loogu geystay ceelcadde ayaa waxaa soo baxaya cida kenya arinkaasi la u sheegtay.

Siyaasiyiin iyo shacab ku sugan kismaayo kana soo jeeda beesha Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa kenya ka dhaadhiciyay in ciidankeeda lagu laayay ceelcade ay leysay beesha SADE hadlakaas oo iyadoo an faafreeb, xaqiijin iyo diblomaasiyeyn toona aysan ka muuqan laguna sameyn ay siyaasiyiinta kenya warbaahinta lasoo istaageen.

Hadaba waa ayo Beesha Sade ?

Sade waa beel kamid ah Beelaha Soomaaliyeed waxay dagaan guud ahaan Gobolka Gedo mana ahan dad lala leeyahay gobolkaasi sida ay ka dhawaajisay kenya oo kale, waxaa Gobolweynaha Gedo ee ay beeshu degto ku sugan ciidamo ka kala socda dalalka kenya iyo Itoobiya balse waxaa ku xoogan xaga joogitaanka gobolka ciidanka itoobiya.

waxaa sahlay in ciidanka kenya lagu gumaado ceelcade waa un laba arimood oo isbiirsaday sida ay qabaan taxliiliyyaasha dhinaca militiriga iyo amnigaba.

1, kenya oo ku guuldareysatay kasbashada iyo in ay wada shaqeyn layeelato beesha Degta Gobolka iminka lagu gumaaday.

2, iyo siyaasad xumada kenya ee dhigeysa in ay rabto in ay is waafajiso in beesha SADE ay kula dagaalanto kismaayo una gacmo qabato beelo aan ka tabar rooneyn, tiiyoo ay dheertahay in ay dooneyso in deegaanada beeshane laga soo dhaweeyo arintaas oo ah kaaf iyo kala dheeri waa meeshii laga oran jiray qeybi oo xukun.

Maxaa kajira in beesha SADE ay wada shaqeyn la leedahay Alshabaab??

Hadalka ah  Belweynta SADE waxay lashaqeysaa alshabaab oo mid aan sal iyo raad toona laheyn daliil fudud alshababa waxay beeshaan ka leysay siyaasiyiin, aqoonyahanno, haldooro iyo indheergarad siweyn looga yaqaano Gobolka Gedo, mana jirto cid wax iska weydiisay, sidee caqliga saliimka ah u dhigayaa in dad dhibkaas loo geystay ay la shaqeeyaan dadkii dhibaateeyey oo ah alshabaab? jawaabtu kenya iyo cidii warbixintaas qaldan u soo dhiibtay ayaa looga fadhiyaa.

Maxaa hortaagan kenya in ay shabaab ka guuleysato.??

Kenya oo soomaaliya gudaha u soo gashay 2011-kii ilaa iyo maanta majirto xitaa laba deegaan oo isku furan oo ay ciidankooda maamulaan sababo la xiriira alshabaab oo go’doomiya meelkasta oo ay tagaan,waxaana muuqaneysa laba arimood oo isa saaran oo kala ah

1, in kenya aysan daacad ka aheyn Hawlgalka ay sheegtay in ay soomaaliya ku joogto ee ah Magaca AMISOM.

2, iyo in ay lumisay kalsoonida intabadan beelaha ree jubaland oo ay isku koobtay hal beel oo qudha taas oo aan iyadane suuragalin karin in ay guulo ka gaarto hawlgalka.

Maxaa keenay in ay kenya bilowdo qorshe ay dalka soomaaliya kagala baxeyso ciidankeeda?

jawaabtu waa mid fudud oo kenya iyadaaba dab isaga shiday halbowlaha oo ah xubinta qofka uu ka dhaqdhaqaaqo, waana cadaawad ay ka sameysatay kana abuuratay beesha degta gobolka labaad e ugu weyn soomaaliya oo ah Gobolka Gedo, waxaana iyadoo awalba ay jirtay tuhunka ah in kenya ay beeshaan cadaawad gooni ah u hayso ay hadane iyadii qudheeda isku marag furtay kadib markeey sheegtay in beeshaasi soomaaliyeed ay alshabaab la shaqeeyaan dhamaantoodne yihiin alshabaab. Cajiib!!!!!!

Maxay madax ku sheega soomaalida ay uga aamusanyihiin xasuuqa ay kenya ku hayso shacabka Gedo.

Jawaabta su’aashaas waa mid hortaala madax ku sheega soomaalida sida ay horay uga dhawaajiyeen Xildhibaano iyo Masuulyiin kasoo jeeda deegaanada dhibaatadu ka jirto, waxaase cad in Madaxtinimada ragaas madax ku sheega ah ay kala weyntahay Qabyaaladda, nasiib darase waaba Qaar kamid ah Madax ku sheega soomaalida oo deegaankaasi kasoo jeeda oo hadane kenya u tacsiyeynaya shacabka ay magacooda madaxda ku yihiine aan soo hadal qaadin dhibka lagu haayo.

Sikastaba weydiimo badan ayaa horyaala kenya hadii maan iyo maskax fiyow oo ay ku fakareyso ay jirto, mase muuqato in weydiimahaasi ay jawaab u heli karto, waxaase muuqata in kenya hal dhag ay wax ugu sheegtay beesha u soo yeerisay hadalkii ay Masuulyiinteeda warbaahinta caalamiga ah la horyimaadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.