Dhageyso: Yaan Lagu Eedin Dowlada Fashilka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Xildhibaan Cabdillaahi Xasan Cascaseey oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay in  shirka wadatashiga Qaran fashilka ku yimid aan cid gaar ah lagu eedeyn Karin maadaama sida uu xusay madanaha ay weli jiraan kulamo  gaar gaar ah oo ku saabsan shirkaasi ay leeyihiin madaxda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Mudane Cascaseey ayaa waxa uu tilmaamay in markiii uu soo gaba gaboobo shirkaan ayna ka soo bixi waayaan waxyaabo la isku afgartay  xilligaas ayey soo bixi doontaa natiijada rasmiha ah ee ku saabsan cida ka dambeysa fashilka shirka wadatashiga Qaran.

Geesta kale Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Cascaseey ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in shirkaan madasha wadatashiga Qaran mid looga gudbi karo dhibatooyinkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee soo maray dadka iyo dalka Soomaaliyeed hadana uu marayo meel wanaagsan.

Shirka Madasha wadatashiga qaran ayaa u muuqda weli mid la isku mari la’yahay  iyadoo arrinta ugu weyn ee lagu kala  aragti duwan yahay ay tahay isku raacida  nuuca doorasho ee dalka lagu qabanyo.

Halkaan Ka Dahgeyso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.