Dhageyso: Dagaalo Wali Ka Soconayo Gedo.

Wararka aynu ka heleyno Tuulada Aluula oo hoostagta deegaanka Likooni ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in weli dagaal qaraar uu ka soconayo.

Dagaalka  oo u dhexeeyo Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya ayaa soo bilowday tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo baneeyeen deegaanka ee Ceelcade ee Gobolka  Gedo.

Dad deegaanka ah qadka taleefanka ugu warramay ayaa sheegay in indhahooda ay qabteen 2 gaari oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya oo ku bas beelay goobta dagaalka iyagoona sheegay in ay arkayeen diyaarado  deegaanka ka daabulaya dhaawacyo Askarta Kenya ee dagaalkaas ay kala kulmeen.

Sidoo kale duqeymo diyaaradaha nawaaxiga deegaanka aluula ay ka fuliyeen ayaa la xaqiijiyay in  illaa 3 qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda ayaa weli kacsan waxaana gebi ahaan deegaanada ku dhow dhow Likooni wararku sheegayaan in ay u muuqdaan saaxo dagaal.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.