Dhageyso: Xildhibaan Magan oo Ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta

?????????????

Xildhibaan Maxamuud cali magan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya oo ka jawaabayay eedeyn beeshiisa uu Maanta usoo jeediyey madaxweynaha Kenyatta Uhuru Kneyata, kaasi oo beesha mareexaan ku eedeeyey in ciidankiisa weerarkii lagu xasuuqay ay kaalin weyn kulaheyd beeshaasi.

Xildhibaan magan oo wareysi siinayay Idaacadd Goobjoog ee Magaalada muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsaday in eedeynta uhuru ay tahay mid aan masuuliyad ku dheehneyn,

Magan ayaa sidoo kale ku tilmaamay hadalka Madaxweyne uhuru mid uu ku baneysanaayo dhiiga shacabka gedo oo ay dhawaanahanba duqeymo ba’an ciidamadiisa ku hayeen waa sida uu hadalka u yiri.

Ugu danbeyntiine wuxuu sheegay in hadalka uhuru uusan aheyn mid uu agaasime xitaa ku hadli karo isakaba daa madaxweyne dal dhan xukumo in uu sidaas u hadlee.

Wuxuu sheegay in ay dhab tahay in colaad waqtigeedu fogaaday in uu ka dhaxeeyo Beelaha Ogaden yio mareexaan Balse aysan taasi macnaheeda aheyn in Kenya iyo Ogaden ay isleeyihiin, taas badalkeedane Uhuru uu qirtay buu yiri dhibaato ciidankiisa ay beesha Marexaan horay ugu geysteen.

si kastaba Xildhibaan Magan ayaa noqday Masuul had iyo jeer u taagan ka hadalka dhibka ay beeshisa ku hayaan dowladaha dariska, waana markii sadexaad ee uu usbuuc gudhiis ka hadlo duqeynaha ay kenya kawado gobolka gedo kuwaas oo ay ku xasuuqday shacab badan oo aan waxba galabsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.