Dhageyso: Odaayasha Gedo oo Beniyay in Werarki Ceel Cade ay Ka Danbeyen

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida ee Gobolka Gedo Axmed Ciise oo ayaa waxa uu been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay hadal ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan in  Beesha Mareexaan ay ku lug leedahay Weerarkii Ceelcade ay Al ShabaabTodobaadkii hore ku qaadeen fariisiin Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Deegaankaasi.

Mudane Axmed Ciise ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan suurta gal ahayn in dad shacab xoolo dhaqato ah in ay dagaalamaan isagoo cod dheer ku sheegay in wax aan loo dul qaadan Karin ay tahay duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ku bartilmaameedsanayaan deegaanno hoostaga Gobolka Gedo kuwaas oo dad rayid ah ay ku nool yihiin.

Isagoi sii hadlayay Axmed Ciise Guddoomiyaha Golaha Guurtida Gobolka Gedo ayuu ka dalbaday Madaxda ugu sareyso dowladda Federaalka in dadka rayid ah ee aan waxba galabsan duqeymaha weli ku socda ay dowladdu door ka qaadato joojintooda.

Tan iyo Weerarkii Deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo oo qiyaastii 60 Km u jira Magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolkaas ayaa  wixii  ka dambeeyay Kenya waxa ay waday duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ka geysaneyso tuulooyin ay ka mid yihiin, Ceelgaduud, Nikooleey , Daar , Caato Cad iyo kuwa kale oo dhammaan hoostaga Gobolka Gedo.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.