Dhageyso: Liyu Polic-ka oo Dad Ku Xir Xiray Bakool

Ciidamada dowlad deegaanka Soomalida Ethiopia ee loo yaqaanno Liyu Polic-ka ayaa maanta dad shacab ah ka xir xiray deegaanno hoostaga Gobolka Bakool.

Xariga dadkaan ayaa ka dhacay Deeganka Aato ee Gobolka Bakool oo ka mid ah deegaanadii looga dhawaaqay Maamulka Bakool Sare.

Tirada dadka ay xir xireen Ciidamada Liyu Police  ayaa la sheegay in ay  dhan yihiin illaa 20 qof.

Arrinta xariga dadkaan aya wararku sheegayaan in ay ka dambeysay maadaama ay ka mid yihiin taageerayaasha maamulka Koofur Galbeed.

Maamulka Bakoool Sare ayaa dadka qaar ay sheegaan in uu doonayo in la bahoobo ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Hayeeshee masuuliyiinta maamulkaas iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada uu ka dhisan yahay ee kaalin ku lahaa fikirada lagu dhisay ayaa beeniya inta badan.

Si kastaba xaaladda Aato ayaa aad u kacsan sida aynu ku heleyno wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya halkaas

Halkaan Ka Dhageyso .

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.