XOG: Maamulada Degmooyinka Iyo kan Gobolka Gedo oo Kismaayo gaaray kana qeybgalaayo shir halkaasi ka dhacaya.

Magaalada Kismaayo waxaa kuwada sugan Maamulada Degmooyinka Iyo Gobolada Jubaland kuwaas oo ay casuumaad u fidisay waaaaradda Arimaha Gudaha Iyo Amniga ee Jubaland.

Casuumaada Ayaa waxaa ka dambeeya tababar la doonaayo in Dowlad wanaag lagu baro Maamulada Degmooyinka Iyo kuwa Gobolada ee Jubaland.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buula canjeex Iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo ka socda todobada Degmo ee Gobolka Gedo Ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo, waxayna ka qeybgalayaan kulankani lagu kulmiyay Maamulada Degmooyinka Iyo Gobolkaba Jubaland.

Qaar kamid ah gudoomiyayaasha Degmooyinka oo lahadlay warbaahinta Ayaa noo xaqiijiyay in ay Kismaayo uga qeybgalayaan kulankani ay qabaneyso wasaarada Arimaha Gudaha ee Jubaland, kaasi oo lagu baraayo nidaamka dowlad wanaaga.

Sikastaba waa kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay ka qeybgalaan AMA isugu yimaadaan Maamulada Degmooyinka Iyo kuwa Gobolada ee Jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.