Kenya: Ma garaneyno halka ay Jaan Iyo Cirib dhigeen 12kii Askari ee ay Shabaabku qafaasheen.

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay inaysan garaneyn halka la geeyay 12 Askari oo ka tirsan ciidanka dalka Kenya, kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ururka Shabaab, kadib weerarkii ay ku qaadeen Saldhiga ciidanka Kenya ee Degmada Ceel Cadde.

Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Kenya Samson Mwathethe, ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan aqoonin halka ay geeyeen Shabaabka Maxaabiista Kenya ee gacanta ay ku hayaan, isaga oo sheegay inay ku dadaalayaan sidii Askartaasi oo nabad qabta loo sii deyn lahaa.

Waxa uu sheegay Taliyaha ciidanka dalka Kenya, inay u maleynayaan Askartaasi in lagu haayo Tuulo ku dhaw Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe, balse arintaasi aysan si rasmi ah u xaqiijin karin.

Samson Mwathethe waxaa uu sheegay in Shabaab ay ka baxsanayaan Duqeynta Cirka Kenya ay ka wadaan Gobolka Gedo,sidaas darteedna meelo aan la aqoon ay ku qarinayaan Ciidanka ay nolosha ku heystaan.

Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirada Maxaabiis Kenyan ah oo ay gacanta ku hayaan, kuwaasi oo lagu qabtay weerarka Degmada Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Taliyaha ciidamada Kenya waxa uu xaqiijiyay Shabaabka inay gacanta ku hayaan Taliyihii ciidanka Saldhiga Degmada Ceel cadde, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Major Obuoge.

Ilaa hada Xukuumadda Kenya ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee weerarkaasi looga dilay, marka laga reebo Sheegashada Shabaab ee ku aadan inay dileen 100 Askari oo Kenyan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.