Degdeg: Kenya oo duqeymo markale dib uga bilowday Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya Ayaa Maanta duqeymo culus ka geystey Deegaanka ceelguduud ee Gobolka Gedo oo qiyaastii 12km u jirta Deegaanka ceelcade ee isla Gobolka Gedo.

Deegaanka ceelguduud ee duqeynta ay Maanta ka geysteen Diyaaradaha Dagaalka Kenya,Ayaa la sheegaya in Ilaa Sadex qofood ay ku dhinteen, kuwaas oo isugu jira rag, dumar Iyo caruurba.

Mid kamid ah dadka Deegaanka oo lagu magacaabo Cali cabdi samad oo lahadlay Warbaahinta Ayaa Inoo xaqiijiyay geerida sadexdaasi qof halka tiro intaasi ka badane ay ku dhaawacmeen.

“Walal Kenya waxay Saaka duqeyn ka bilowday Deegaanka ceelguduud ee Gobolka Gedo Sadex qof oo mid uu yahay odey Deegaanka aad looga yaqaano, haweeneey Iyo cunug ay dhashay, dhowr qof oo kalane waa ku dhaawacmeen waxaana dadkaasi dhaawaca ah loo qaaday Magaalada Garbaharay” ayuu Yiri nabadoon Cali cabdi samad oo ku sugan Deegaanka ceelguduud.

Sikastaba labadii maalin ee lasoo dhaafay Ayaa laga nastay duqeymihii ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya kawadeen bartamaha Gobolka Gedo,waxaase Maanta ay noqoneysaa xiisad kale oo horleh oo ay Kenya ku xasuuqeyso Shacabka Dagan deegaanada diirharo ee Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.