Daawo: Madaxweynaha Kenya Iyo Masuuliyiin kale oo booqday dhaawacyada Qaar kamid ah Ciidamada Kenya ee ceelcade Kusoo dhaawacmay.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ay wehliyaan Xaaskiisa, Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutto, Madaxda Mucaaradka iyo Saraakiisha ciidanka ayaa booqday Dhaawacyada Askartii ku waxyeeloobay weerarkii Todobaad ka hor Shabaab ay ka geysteen Degmada Ceel cadde ee Gobolka Gedo.

Uhuru Kenyatta ayaa Askarta dhaawaca ah mid mid u salaamay isaga oo u rajeeyay inay dhaqsi u soo caafimaadaan, waxaana uu Askarta ugu laab qaboojiyay inay u dhaawacmeen Difaaca dalkooda iyo dadkooda shacabka.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa u sheegay Askarta dhaawaca ah in Dowladda ay garab taagan tahay oo ay ku dadaali doonto sidii daryeel caafimaad oo wanaagsan loogu fidin lahaa Askartaasi.

Ku xigeenka Madaxweynaha dalka Kenya William Rutto, ayaa sheegay weerarada noocaasi ah in ciidamada dalka Kenya aysan niyad jab ku noqon doonin oo ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab.

Askarta Dhaawaca ah ee Isbitaalka ciidanka Magaalada Nairobi jiifa ayaa Magaalada Nairobi waxaa lagu geeyay Diyaarad, kadib markii qaarkood la soo badbaadiyay halka qaarna ay baxsadeen oo duurka laga soo qaaday.

Weerarkii ka dhacay Todobaad ka hor Degmada Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, ayaa Khasaaro culus uu ka soo gaaray Dowladda Kenya ciidankeeda kaga sugan Somaliya, inkastoo Kenya weli ay qarinayso inay shaaciso Khasaaraha soo gaaray inta uu la eeg yahay.

Shabaab ayaa weli ku hanjabaya weeraro dheeraad ah inay la beegsanayaan ciidamada Kenya, hadii ciidanka Kenya aysan Somaliya ka bixin.

image

image

image

image

imagek

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.