Warbixin: weerarkii Liido lagu qaaday oo lasoo afjaray Iyo Khasaaraha oo kor u dhaafaya 20 dhimasho ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la soo af-jaray howlgalkii ka socday Xeebta Liido gaar ahaan maqaayada Liido Sea Food oo ku taalo degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa in hada ay mareyso 20-Qof oo ay ku jiraan afar ka mid ah kooxii weerarka soo qaaday,waxaana jira dhaawacyo ilaa iyo hada tiradooda la shaacin.

Wasiirka Amniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max’ed oo la hadlay warbaahinta VOA-da ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay ku guuleysteen iney soo af-ajaraan weerarka qaatay in ka badan 10-saacadood,isagoo hadalkiisa intaasii ku daray in afar ka mid ah kooxdii Al-shabaab ciidanka ay dileen.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay Sarkaalkii hogaaminayay weerarkii Al-shabaab xalay ay ku qaadeen Xeebta Liido gaar ahaan maqaayada Liido Sea Food,islamarkaana ciidanka amaanka ay ku guuleysteen soo gabagabeeyaan weerarka.

Ninka la qabtay ayaa wararku sheegayaa inuu yahay nin “muhiim” ah, oo loo baadigoobayay weerar hore oo lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawaca uu soo gaaray ayaa la geeyay goobaha caafimaadka ee ku yaalo Muqdisho si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka,waxayna sheegeen in dagaalyahanadooda ka dhex dagaalameen mid ka mid ah maqaayadaha ku dhow Xeebta Liido.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.