Kenya : Waxaan dilnay Taliyihii Hogaaminayay Weerarkii Ceelcadde.

Taliyaha ciidamada Kenya Gen Samson Mwathethe ayaa sheegay in hogaamiyihii Al-shabab ee horkacayay weerarkii Ceel Cadde oo lagu magacabo Maalim Janow lagu dilay duqeyn diyaaradaha dagalka Kenya ay qaaden werarkii ka dib.

Taliyaha waxa uu sheegay in aysan garan karin tirada rasmiga ee askarta ka maqan.

War Shalay ka soo baxay Dowladda Kenya waxaa ay ku Xaqiijisay in Weerarkii ka dhacay Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo looga dilay 40 Askari islamrakaana kuwo kale ay ka maqan yihiin.

Al-shabaab waxaa ay sheegteen in Weerarkii Ceel-cadde ay Kenya uga Dileen ilaa 100 Askari 12 Noolna ay Gacanta ku hayaan.

Xerada AMISOM Ee Ceel-cadde ayaa waxaa daganaa Ciidan lagu Qiyaasay 240 Askari oo Kenyan ah,iyadoo Warar Madax banaan ay sheegayaan in lala yahay kala Bar Ciidankaasi Nolol iyo geeri Toona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.