Uhuru Kenyatta:‘’Shacabka Kenya ha u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah al-Shabaab’’

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad ka hadley weerarkii jimcihi lagu qaadey Ciidamada Kenya fariisinka ku lahaa tuulada Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

War qoraal uu soo saarey maanta ayuu hoosta uga xariiqay in aan khal khal ah ama saameyn ku yeelan weerarkas oo ay geysteen maleyshiyada ururka xagjirka ah ee al-Shabaab.

Mr Kenyatta oo qoraalkiisa u badna dhambaal tacsi uu u dirayay qoysaska ciidamada ku dhintey weerarka ayaa tibaaxay in Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya aanay marna joojin doonin howlaha ay ka hayaan.

Ururka al-Shabaab ayuu ku tilmaamay cadow ku ah xorriyadda, khatarna sidoo kale ku ah nabadgalyada gobolka loona baahan yahay in cagta la mariyo, waa siduu sheegay.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu baaqay shacabka reer Kenya in aysan marnaba wax niyad jab ah muujinin oo ay dowladdiisa ku taageeraan dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.

‘’ Qof kasta oo Kenyan ah waa in uu fahma in dagaalkan uu u baahan yahay in aan u midowno qaran ahaan. Waa in aan garab isku siina oo aan si wadajir ah iska celino cadowga,’’ ayuu ku sheegay qoraalkiisa.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerarka ku dileen in ka badan 100-askari walow dowladda Kenya ay gaabsatay in ay xaqiijiso tirada askarta uga dhimatey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.