TOP News: Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Xildhibaano Iyo Waxgarad kasoo Jeeda Gobolka Gedo ayey Kaga hadleen Xasuuqa ay Kenya kawado Gobolkaasi.

Kulan balaaran oo ay Maanta Muqdisho ku yeeshaan xildhibaanada, siyaasiyiinta Iyo waxgaradka beesha Sade ayey kaga hadleen xasuuqa ay Ciidamada Kenya kawadaan Gobolka Gedo kadib, Dagaalkii lagu xasuuqay ee ay alshabaab ku qaadeen todobaad kii hore Deegaanka ceelcade ee Gobolka Gedo.

Masuuliyiinta kulanka kasoo qeybgalay waxaa kamid ah xildhibaan Maxamuud Cali Magan, xildhibaan cabdifitaax nuur mataan Iyo Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buula canjeex.

Masuuliyiintani Ayaa madashaasi kajeediyey hadalo kulul oo ay ku cambaareeyeen xasuuqa ay Ciidamada Kenya kawadaan deegaanada diirharo ee Gobolka Gedo.

Magan xildhibaanka Qaran Ayaa hoosta ka xariiqay in aan loo dulqaadan Karin xasuuqa ay Kenya kawado gobolweynaha Gedo isagoo ku canaantay Madaxda Dalka in ay tacsida Kenya ay u direen ay tahay dambi Qaran oo ay ka galeen Shacabka Soomaaliyeed bacdamaa buu Yiri Kenya ay tahay mid xasuuq aan kala sooc laheyn kawado deegaanada Gedo.

Gudoomiyaha Gobolka Axmed Buula canjeex oo dhiniciisa ka hadlay madasha Ayaa u hadlay si aan ka yareysan sida uu u hadlay mudanaha Baarlamaanka, isagoo cadeeyey ka Maamul ahaan in Aysan u dulqaadan Karin xasuuqa lagu haayo Shacabka uu Gudoomiyaha u yahay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Odayaashii Iyo waxgaradkii kulanka kasoo qeybgalay Ayaa dhinacooda bogaadiyey sida ay u hadleen masuuliyiintii hadalka kaga horeysay waxayna si cad u sheegeen in Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay xasuuq aan kala sooc laheyn ay kawadaan bartamaha Gobolka Gedo.

Sikastaba waa kulankii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadaan xildhibaanada, waxgaradka Iyo Maamulka Gobolka Gedo,oo ay kaga hadleen Dhibaatooyinka ay Kenya ku hayso Shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.