Qaar kamid ah Beelaha ka qeyb galaya Shirka Jowhar oo ka baxay Shirkaasi

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe oo uu ka soconayo Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Shirkaasi ay iskaga baxeen qaar ka mid ah Beelaha wax ka taga Gobolka Shabellaha Dhexe islamarkaana ka qeyb galaya Shirka Jowhar ka socda.

Beelaha Shirkaasi iskaga baxay ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa Saddex Beelood oo ay ka mid yihiin Beelaha Jarer weyne iyo Gaal-jecel.

Wararka ayaa sheegaya in Sababta Beelahaasi ay shirka uga baxeen ay tahay Tabsho ay qabaan oo ku aadan in qaabka loo qeyb sanayo Ergooyinka ay dhaliilsan yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.