Magaalada Hargeysa oo laga musaafurinaayo Ajaanibtii ugu badneys iyo Sababta ka danbeysay oo la sheegay

hargaysa

Maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa iyo deegaanada ku xiran ka musaafurineyso inkabadan 300 ruux kuwaasi oo la sheegay inay yihiin ajaanib.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dadkaasi ay maanta isugu geeyen xarunta laanta socdaalka ee maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay in qaarkood howlgal lagu soo qabqabtay qaarna ay iyaga dalbadeen.

Taliyaha waxaa uu sheegay in dadkan badankood uu ka dhacay sharcigii ay ku joogeen Somaliland, ama waxa ay si sharci darro ah ku joogeen Somaliland.

“Muddadii loo qabtey markii la gaarey ayaa dadkaan badankood si iskood ah isugu yimaadeen xaruntan, anaguna waan ka caawineynaa wixii sahay ah” ayuu yiri Taliyaha laanta socdaalka Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Somaliland Cali Warancadde ayaa sheegey in qorshaha maamulka uu yahay in ugu danbeyn 1 Feberaayo 2016 dadkaasi loo kala celsho dalalka ay kasoo kala jeedan.

Waran-Cadde ayaa dadka Somaliland ugu baaqey in ay qaataan kaararka dhalashada maamulka Somaliland.

Waran Cadde ayaa sheegey intaasi ay tahay tan keliya ee lagu kala garan karo dadka u dhashey Somaliland iyo Soomaalida kale, si aan loo masaafurin qof reer Somaliland ah.

Go’aankaani ayaa suuragalinkara in Dowlada Itoobiya ay war kasoo saarto maadaama inta badan dadka la musaafurinaayo ay yihiin Itoobiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.