Dufcadii 11-aad oo maanta ka qalin jebisay Jaamacadda SIMAD (Daawo Sawirada)

?????????????????????????????????????????????????????????

Dufcadii 11aad ayaa maanta ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD, ayadoo xafladda loo sameeyay ardaydan ay ka qeyb galeen masuuliyiinta ugu sarreysa jaamacadda, waalidiin, wakiilo ka socday qaar ka mid ah jaamacadaha Maleysia iyo marti kale.

Ardayda oo ah 432 ayaa ka qalin jabisay lix takhasus oo ka ka tirsan kasmooyinka culuumta maamulka, culuumta bulshada, dhaqaalaha iyo kombuyuutarka.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi ayaa ugu horreyn u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay, isagoo sidoo kale soo dhaweeyay masuuliyiinta ka soo qeyb gashay xafladda oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda Dr. Cabdiraxmaan Saalax “Muhaylaan”, Sheekh Maxamed Al-Khamiis, Agaasimaha DirectAid Sheekh Xasan Badawi iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga sare ee jaamacadda SIMAD, Sheekh Maxamed Al-Khamiis ayaa tilmaamay in sare u qaadidda waxbarashada Soomaaliya ay aasaas u tahay in la soo saaro aqoon yahan xirfad leh oo ka qeyb qaadan kara dib-u-dhiska dalka, isagoo u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay.

“Alle ayaa na waafajiyay aragtidii lagu aasaasay jaamacaddan, machad yar ayay ku billaabatay, waa ay kobacday ilaa heer ay jaamacad noqotay 2011-kii, maanta waxaa arkaynaa jaamiciyiin saameyn ku leh hay’adaha dowliga ah, kuwa gaar ahaaneed iyo kuwa kheyriga ah” ayuu yiri.

Dr. Cabdiraxmaan Saalax Al-Muhaylaan, guddomiyaha gudiga sare ee jaamacadda ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo dadkeeda ay guul u tahay in la helo dad waxbartay oo dalkooda samata bixiya.

“Waxaad tihiin mustaqbalka dalka iyo rajada kaliya ee dib loogu dhisi karo dalkiina Soomaaliya, waan ku faanaynaa inaan helno dad adinka oo kale ah, waxaana idiin baahan kuwa idinla midka ah ee aan waxba awoodin” ayuu yiri

Wuxuu sheegay in 30 waddan oo ku yaalla Africa ay ka wadaan mashaariic waxbarasho, ayadoo Jaamacadda SIMAD ay ka mid tahay hay’adaha ugu horumarsan mashaariicdaas.

“Waxaan ku faraxsannahay inaan maamulno oo aan soo saarno dad sidiinna oo kale ah, waxaan ka howl galnaa wax ka badan 30 dal oo Afrika ku yaalla, hadafkeenu waa inaan caawino dadka baahan, gaar ahaan waxbarashada iyo tayaynta tacliinta. Jaamacadda SIMAD hay’adaha ugu horreeya ayay ku jirtaa dhammaan mashaariicda aan fulinno” ayuu sii raaciyay.

Dhammaan ardayda qallin jabisay ayaa masraxa yimid, ayagoo gacan qaaday guddoomiyaha guddiga sare ee jaamacadda oo guddonsiiyay shahaaddadooda. In ka badan afar kun oo arday ayaa ka qalin jabisay jaamacadda SIMAD, kuwaasoo shahaaddada heerka koowaad qaatay 16kii sano ee ay shaqeynaysay jaamacaddu kuwaa oo ka shaqeeya xarumaha kala duwan ee guud ahaan wadanka iyo gobolkaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.