David Cameron oo ku khasbaya Haweenka Muslimka inay bartaan Luuqada Ingiriiska!

Maqaal maanta oo Isniin ah lagu daabacay Jariirada The Times ayuu Raysalwasaaraha UK David Cameron uga hadlay qorshe cusub oo ay xukuumadiisa soo wado, kaasi oo lagu cadaadinayo haweenka Muslimka ee dalkaasi ku dhaqan inay bartaan luuqada Ingiriiska.
Qorshahan ayaa qeexaya in haweenka muslimka ah hadii aysan luuqada dalka looga hadlo aysan baran ay muteysan karaan in dalka laga saaro!
David Cameron ayaa sheegay in tilaabadan ay doonayaan inay awood u siiyaan haweenka Muslimka inay la socdaan xaalada bulshada ay ku dhex noolyihiin isla markaana ay xukuumadiisa u qoondeysay lacag gaareysa 20 milyan oo Pound oo loogu talo galay iskuulada sida lacag la’aanta ah u baraya haweenka luuqada dalka looga hadlayo.

“…Halkan waa Britain. Wadankan haweenka iyo gabadhaha waxay xor u yihiin inay u noolaadaan sida ay doonayaan, waxayna u labisan karaan sida ay doonaan, waxayna sidoo kale jeclaan karaan cidii ay doonaan. Waa hidaheena iyo dhaqanka dalkan, waana in loo istaagaa in la gacan qabto haweenkan….” ayaa kamid ahaa hadalada kasoo yeeray Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron.

Cameron ayaa ku dooday in badan oo kamid ah hooyooyinka Muslimiinta aysan aqoon luuqada, taasina keenayso in caruurtooda aysan si fiican ulla socon waxa ay qabtaan, isla markaana aysan caruurtooda ka xakameyn karin fikirada xagjirnimada ah maadaama aysan aqoon luuqada dalka looga hadlo.

Dhinaca kale waxaa iyaduna isa soo tareysa cambaareynta kasoo baxeysa qaar kamid ah hay’adaha u dooda haweenka oo dhaliilay qaabka Raysalwasaaraha arrintan uga hadlay, iyagoo sheegay in laga yaabo in hadaladiisa ay sii kharibayaan xaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.