Axmed Madoobe & Gaas oo Fashilkii shirka kadib shir khaas ah wada qaatay

Warar hoose oo aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kulan qaatay Seddex saac ay aqalka Jubbaland ku yeesheen Madaxweynayaasha Jubba iyo Puntland.

Kulanka ayaa la sheegay inuu daba socday kulankii ugu danbeeyay oo ay ku kala booden madaxda Qaranka iyo maamulada dalka.

Ilo xogagaal ah ayaa xaqiijiyay in kulanka labada mas’uul uu ahaa mid aysan kala qeybgalin cid Seddexaad kaasi oo la sheegay in lagu lafaguray qorshooyinka xigi doona shirka fashilmay.

Qorshooyinka leysla soo qaaday ayaa waxaa kamid ahaa sida ugu sahlan ee lagu kala jabin lahaa madaxda DF, islamarkaana lagu carqaladeyn lahaa nidaamka doorasho oo ay isla wadaan Xassan Sheekh iyo dhinacyada ku wehliya Siyaasada kana mid ahaa madasha shirka.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Axmed Madooobe uu soo jeediyay in laga aamuso arrimaha taagan qaab hoosane ay u socto dibin daabada lala damacsan yahay madaxweyne Xassan iyo garabyadiisa Siyaasada ku wehliya.

Gaas ayaa la sheegay inuu khilaafay Axmed Madoobe islamarkaana soo jeediyay in lagu dhawaaqo dib ula laabashada xiriirka kala dhexeeya DF, si caalamka loo tuso xiisada Siyaasadeed ee labada maamul kala dhexeeya DF.

Waxaa jiray laba mowqif oo ay isku raacen Gaas iyo Axmed Madoobe oo aan xogteeda si rasmi ah loo helin, balse waxaa la rumeysan yahay in mid kamid ah uu ahaa inaan laga qeybgalin shir danbe oo lagu horfadhiisan doono DFS.

Dhanka kale, shirkaani ayaa dareen ku abuuray madaxweyne Xassan iyo Wafdigii ku wehlinaayay shirka, waxaana la soo warinayaa in Beesha Caalamka ay shir gaar ah ka yeelan doonaan xiisada Siyaasadeed ee iminka taagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.